Marka-(Puntland Post)-Cutubyo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada hoose,markii ay halkaasi banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika.
Al-shabaab ayaanan la kulmin wax iska caabbin ah marka laga reebo is rasaasayn kooban oo dhex martay iyaga iyo malleeshiyaad degaanka ah,waxanay halkasi ka taageen calanka madoow ee ay caanka ku yihiin.
Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa saldhiga ku yaalla Ceel-Jaalle ayaa xalay illaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana lagu soo warramayaa iney u ruuqaansadeen dhanka degaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM u jira Marka.
Guddoomiyihii hore ee gobolka shabeellada hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa nasiib darro ku tilmaamay la wareegidii Al-Shabaab ee magaalada Marka, isagoo taasi ku macneeyay is beddelka lagu sameeyay maamulkii uu isagu madaxda u ahaa.
Ma jirta wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo maamulkii gobolka Shabeellada hoose ee halkaasi ka arriminayay,kuwaasoo aan waxba ka dambayn xoogaggii midowga Afrika ee banneeyay magaalada Marka.
2012-kii ayay ahayd markii ay ciidamada is garabsanaya Al-shabaab kala wareegeen magaalada Marka, taasoo muhiimad weyn u lahayn gacan ku haynta magaalooyinta kale ee gobolka Shabeellada hoose.