Jubba-land oo sheegtay iney u diyaargaroobeen guluf ka dhan ah Al-shabaab

Kismaayo-(Puntland Post)-Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inay isu diyaariyeen howl-gal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka arrimiya qaybo ka mida gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa intaasi raaciyay in qorshahan uu ahaa mid muddo la dejinayay, isla markaana maalmaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka looga saarayo Al-Shabaab deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Dhowaan waxaa bilaaban doona howlgalkii Wabiga Jubba, ciidamada waa diyaarsan yihiin, qorshahan muddo ayaa la dejinayay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubba-land ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada ay ka helayaan AMISOM, balse waxaa uu tilmaamay inay isku tashan doonaan ciidan ahaan.

Ciidamo fara badan oo Itoobiya ka socda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayay Kismaayo, kuwaasoo diyaarado lagu geeyay, waxaana ciidamada ka qeyb qaadan doonaan howlgalka dhowaan bilaaban doono.

Hadalka Axmed madoobe ayaa imanaya iyadoo ay degaanno badan faarujiyeen ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawl-galka midowga Afrika,iyadoo aan la garanayn tallaabada ka dambeysa ee ay qaadi doonaan.