Gaadiidkii WFP kaga xayirnaa Mandheera Kenya oo la fasaxay

Nairobi-(Puntland Post)-Hay’ada WFP ayaa sheegtay in loo oggolaaday inay gaadiid cunto saarnaa oo lagu xayiray magaalada Mandhera Kenya ay sii wataan safarkoodii ay ku sii jeedeen magaalada Dooloow ee dalka Soomaaliya.

Booliska magaalada Mandhera ayaa amray gaadiidkan oo ay cunto saarnaayeen inaysan ka gudbi karin magaalada Mandhera baaritaana lagu sameyn doono.

Afhayeenka hay’ada WFP ee gobolka geeska Afrika Challiss McDonough ayaa u sheegtay saxaafada inay ahayd is faham la’aan ka dhex jirtey hay’ada iyo dowlada Kenya haatana la xaliyay is faham la’aanta.

“Guddoomiyaha gobolka ayaa oggolaaday in gaadiidka ay sii socdaan, waxayna gaadiidka tegi doonaan bakhaaradeena ku yaal Dolow halkaa oo dadka taagta daran ee ahna sabool loogu qeybin doono gudaha dalka Soomaaliya,”ayay tiri afhayeenka u hadlay hay’ada WFP.

Shalay ayaa maamulka Mandhera waxa uu amray in aysan ka bixi karin magaalada iyadoo maamulka Mandheera uu sheegay in ay ka shaki qabaan in cuntadan ay u gacan gasho ururka Alshabaab.Ma aha markii ugu horeysay ee WFP lagu eedeeyay in cunto gargaar ah oo ay wado ay u gacan galayaan ururka Alshabab.

Kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixino ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in kala bar gargaarka cuntada ah ee WFP ay u gacan gasho ururka Alshabaab. Sanadkii 2010kii ayaa ururka Alshabaab  waxa uu ka mamnuucay deegaanada ay ka taliso hay’ada WFP kadib markii uu ururku diiday inuu bixiyo lacago canshuuraad ah oo ururka ku soo rogay in ay bixiso hay’ada WFP.