Dhadhaab-Kenya-(Puntland Post)-Duruufo adag oo dhanka nolasha ah ayaa la sheegayaa inay soo wajahday dadka ku dhaqan xerooyinka qaxootiga Dhadhaab Kenya oo ay ku nool yihiin ku dhowaad nus malyuun qof oo u badan Soomaali ka qaxday gudaha dalka xilliyo kala duwan.
Dadkan ayaa sidoo la liita dhibaatooyin xagga caafimaadka ah,taasoo ay u dheer tahay nadaafadda darro iyo faya dhowrka xaafadaha oo aad u liita,iyadoo halkaasina ay ka jiraan xanuunno dhowra oo ay ka mid tahay Duummada.
Qaar ka mida hay’adihii caawin jiray xerooyinka qaxootiga Dhadhaab ayaa meesha ka saaray kaalmooyinkii ay siin jireen dadkaasi,tallaabbadaasoo hoos u dhigtay kala bar heerkii nolosha ee qoysaska halkaasi deggen.
Guddi kormeer oo ka socda midowga Yurub ayaa dhawaan gaaray Dhadhaab,iyagoo u sameeyay ballanqaad ku aaddan iney buuxin doonaan kaalinta hay’adihii ka fara laabtya qaxootigan oo in badanoo ka mid ihi ay halkaasi deggenaayeen muddo ka badan 25-sano.
Iskaashigii saddex geesoodka ee lagu daabbulayay qaxootiga Dhadhaab ayaa qayb ka mid ah lagu guuleystay,iyadoo tiro aan badnayn oo dadkaasi ah ay dowladda federaalka Soomaaliya,UNHCR iyo Kenya kusoo daad gureeyeen gaadiidka cirka,dhulka iyo badda,kaasoo la filayo in dhowaan dib loo billaabo.