Muqdisho-(Puntland Post)-Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maalin walba imaan jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta hakad galay, kadib shilkii shalay ku dhacay Diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airline.
Waxaa sidoo kale istaagay socdaalladii xagga hawada ee dalalka deriska,halka ay shaqaynayeen diyaaradaha qaadka ka keena magaalada Nairobi iyo kuwa dalka gudahiisa ka hawl-gala sida diyaarada Jubba Airways oo rakaab ka keentay Hargeysa.
Saraakiisha garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in madaarku aanu mashquul u ahayn sidii maalmihii la soo dhaafay,waxanay intaa raaciyeen inuu Airpor-ku dib u billaabi doono hawlihiisa markay dhammaadaan baaritaannada ku socda diyaaradda Daallo.
Diyaaradda uu baaritaanku ku socdo ee ay leedahay shirkadda Daallo ayuu shalay shil ku qabsaday hawada markii uu dhexdeeda ka kacay qarax aan la caddeeyn illaa iyo iminka waxa uu ahaa,kaasoo sababay inuu ka dalooshamo meel ku dhow baalka.
Laamaha ammaanka ee dowladda federaalka,quburo ku xeel-dheer shilalka diyaaradaha iyo eeyo loo tababaray ayaa ka qayb qaadanaya baarista korsiga uu qaraxu ka dhacay iyo jirka nin la sheegay inuu ka baxay halka dalooshantay ee diyaaradda,kasoo meydkiisa laga helay tuulada dhiiqaaleey oo ku dhow magaalada Balcad.
Kooxaha baarayaasha ayaa weli ku jahawareersan sida ay wax u dhaceen iyo qaraxu halka uu ka billowday,waxanay wasaaradda duullimaadka hawada Soomaaliya iyo laammaha ammaankuba sheegeen inay hadba matiijada soo baxda la wedaagi doonaan bulshada.