Muqdisho-(Puntland Post)-Wargayska The guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray isagoo soo xiganaya duuliyihii waday diyaaradii uu shalay dabku qabsaday ee Daalllo, in wixii dhacay ay ahaayeen qarax miino.
Duuliyahan oo magaciisa la yiraahdo Vladimir Vodopivec, oo la hadlay xarunta uu wargeyska ku leeyahay caasimada dalka Serbia ee Belgrade,ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhex dhacay diyaaradda wuxuuna intaa ku daray inuu aaminsanyahay in cillado kale ay jiraan.
Vladimir Vodopivec oo 64 sanno jir ah, waxaa uu sheegay inuu maqlay dhawaqa qarax weyn oo diyaaradda ka dhex dhacay kadibna uu ku dedaalay sidii diyaaradda oo bad qabta uu dhulka u geyn lahaa.
“Waxaan maqlay qarax weyn oo na qal qal galiyay nasiib wanaag qeybteena waxba sooma gaarin sidaa darteed waxaan xooga saarnay in diyaaradda aan garoonka dib ugu celino Alle mahadiisna waan ku guulaysanay” ayuu yiri Vladimir Vodopivec oo ah duuliyihii diyaaradda Daallo ee shalay dhibaatadda qabsatay waxaana uu intaa ku daray inay u aheyd markii ugu horeysay ee dhacdo noocaan oo kale ah qabsato diyaarad uu wado.
Wargeyska The Guardian ayaa saraakiil dhanka amaanka oo uu la xariiray waxay u sheegeen inay aaminsan yihiin in diyaaradda qarax ka dhex dhacay, isla markaana ay baarayaan ruux la sheegay inuu ka dhacay diyaaradda.
John Goglia,oo ah qabiir mar la shaqeeyay shirkad ka shaqaysa bed-qabka diyaaradaha oo Maraykanka jooga ayaa sheegay in marka la eego sawirrada laga qaaday,inay muujinayaan waxyaabaha qarxa oo diyaaradda la dhex dhigay.
Wuxuna intaa ku daray in labo shay un ay diyaaradda daloolin karaan,qarax meel la dhigay ama awood kale oo ka xoog badan,taasoo kaga iman karta gudaha ama dibedda.
Cawaale Kulanne oo ah ku xigeenka danjiraha Soomaaliya u jooga qaramada midoobay oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda la socday ayaa bartiisa Faceboogga ku qoray, in jugta qarax weyn ay maqleen islamarkaana muddo dhawr ilbiriqsi ah ay qiic isla arki waayeen rakaabkii saarnaa.
Danjire:Cawaale waxaa uu u socday shirka Jabuuti ay ku yeelanayaan siyaasiyiinta dhawr waddan oo ka waddamada gobolka.