Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud,iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho,markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga soo qeybgalay shir madaxeedkii 26-aad ee midowga Afrika.
Xasan sheekh ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulammo la qaatay qaar ka mida madaxda caalamka, xoghayaha qaramada midoobay iyo siyaasiyiin kale,iyagoo ka wada sheekeystay xaaladda dalka, dhinacyada siyaasadda , amniga iyo hannaanka doorashooyinka dhici doona sannadkan.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu goor dhow saxaafadda ugu warbixiyo waxyaabihii uu kala soo kulmay madaxdii ay si arkeen, ajandayaasha shirarkii uu kaga qayb galay magaalada Addis ababa iyo ballan qaadyadii uu kasoo helay madaxda waddamada taageera Soomaaliya.