Muqdisho-(Puntland Post)-Ugu yaraan laba qof oo rayad ah ayaa ku geeriyootay shan kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ku taalla degmada wardhiigleey ee gobolka Banaadir.
Madaafiicdan oo loola gol lahaa Villa Soomaaliya,ayaa ku dhacay agagaarka dugsiga sare ee 15-ka May iyo xaafado ku dhow-dhow madaxtooyada,iyadoo dadka ku dhaqan halkaasina ay sheegeen iney jiraan dhimasho iyo dhaawacyo balse ayan sixi karin qasaaraha dhabta ah maaddaama ay ku argagaxeen dhawaqa Hoobiyeyaasha.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Wardhiigleey ayaa sheegay in lix ruux ay ku dhaawacmeen, halka wiil kale oo yar ahaa uu ku dhintay,waloow la sheegay in qof labaad uu u geeriyooday firir ka galay qaybta sare ee jirka,waxaana dadka ku waxyeelloobay intooda badan lagu baxnaaninayaa cuspitaallada.
“Dhowr Hoobiyeyaal ayaa ku soo dhacay xaafadaha, gaar ahaan agagaarka Fifteen May, lix ruux dhaawac ah, wiil saqiir ahna waa dhintay, hadda waxan joognaa meeshii madaafiicda laga soo tuuray oo ah agagaarka xaruntii shirkadda Nation-ka iyo xertii Sheekh Aadan Dheere ee ku dhow Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Guddoomiye C/rashiid.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii sidan oo kale madaafiic lala bar-tilmaameedsaday xarunta madaxtooyada dalka ay qasaara kasoo gaadhay dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka Villa Soomaaliya iyo qaybo ka mida degmada Wardhiigleey,iyadoo ay laamaha ammaankuna sheegeen iney wax ka qaban doonaan.