Muqdisho-(Puntland Post)-Taliyaha hoggaanka laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warqad codsi ah oo ka timid wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,taasoo ahayd in xafiis laga qaato Baasaboorka Soomaaliga ay ka furaan magaalada Hargeysa.
Madaxa laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen: Cabdulllaahi Gaafow Maxmuud ayaa sheegay in ay Soomaali-land ku faraxsan yihiin horumarka ka jira,bale wuxuu warqaddan ka timid uu ku sheegay mid maanku diidayo oo lala yaabo,isagoo u muujiyay war fidiyeenka dalabka Soomaali-land.
Jen Gaafow ayaa sheegay in Baasaboorka Soomaaliga “E-Passport”uu heysto aqoonsi caalami ah, isagoo xusay inay dhowaan Mareykanka ka billaabi doonaan qaadashada baasaboorka, gaar ahaan Safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa beeniyay warqadaas, waxaana uu tilmaamay in warqadaas uu soo abaabulay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba ha ahaatee baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warqadan ku qorneyd astaanta Somali-land iyo shaabadda wasaaradda arrimaha gudaha iyo saxiixa Wasiir Waran-cade uu ku dalbadanayo inay Soomaaliya xafiis qaabbilsan waaxda socdaalka ka furato Hargeysa.