Waxaa muddooyinkan ku soo batay deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya dad iska dhigaya inay yihiin khuboro xaga aalada cusub ama casriga kana faa’iideysanaya aqoon darada iyo baahida aalada tijnoologiyada cusub (technology) loo qabo khaasatan dhinaca maamulka iyo arimaha dawladda.
Waxaa lama huraan ah in maanta dunidda aan ku nool nahay hay’addaha mid dawli ama mid gaar loo leeyahayba ee aan adeegsan alaadda cusub (new technology) ee kumbuutarka iyo Internetka iyo borogaraamada lagu shaqeeyo uu ka harayo caalamka intiisa kale.
Aaladda kumbuyuutarka waxay fududeysaa shaqooyinka nooc kastaba, waxayna hor marisaa habka maamulka ama go’aan qaadashada, waxay xoojisaa horumarka laga gaaro adeegyada bulshada oo si dhakhsa ah loo fuliyo iyo ogaanshaha arimo badan oo aan lagu ogaan karin hadii lagu jiro nidaamka loo yaqaan gacan adeegsi (manual) oo ku salaysan buug iyo qalin aan marna u dhigmi karin hawl fududeynta iyo horumarka lagu gaaro adeegsiga aaladda cusub ee kumbuyuutarka.
Hadaba waxaa sanadihii danbe ku soo batay deegaanada Puntland dad ka yimaada dibadaha oo wata laabtoobyo sheeganayana inay dawladda u samayn karaan borogaraamyo howlaha dawladda lagu fududeeyo lagu hor mariyo iyada oo la adeegsanayo habka kumbuyuutarka iyo borogaraamo/databaseyo aad u heer sareeya shaqooyinkana ka dhigaya kuwa hormarsan. Waxay kaloo qolyahaan sheegtaan inay dawladda u sameeyaan websiteyo kala duwan, kumbuyuutar networks iwm.
Qolyaha aan ku sheegay laabtoolayaal waranlayaal waxay gaareen meel kasta oo dawladda ka mid ah inay dhahaan sistem baa looga baahan yahay, sida dawladda hoose, wasaaradaha kala duwan, ciidamada amaanka, maxkamadaha, shaqaalaha dawladda, madaxtooyada iwm.
Ragga howlahaan ku qaraabta oo inta badan aan wax raad ah ka tegin ayaa muddadii ay hawlahaani bilowdeen oo laga soo bilaabo dawladdii Cade waxay ku lun sadeen lacago aad u badan oo loogu talo galay in ummadda wax loogu qabto iyada oo aan cidna ka warhayn kana debategin.
Inta badan lacagaha la lunsadey ee laabtoople waranle lunsaday waxaa laga qaaday khasanadaha dawladda ee canshuurta shacabka iyo in mashaariic hay’addo loo qorto laguna saleeyey in sistemyo kumbuyuutar ah lagu samaynayo iyada oo ay jirto baahi baahsan oo aaladan loo qabo. Inta badan waxaa dhacda in lagu guulaysto in hay’addu aqbasho qoraalada loo qorto ee arimahaan ku saabsan sidaasna wixii gacanta lagaga dhigo hay’adda ay noqoto lama arag lama maqal iyo hal bacaad lagu lisay iyo baahidii oo weli taagan shalay la sheegay in la xalinayo.
Howlahaan laabtoople waranle ku tagrifalaan inta badan waxay ka dhacaan heer madaxtooyo ilaa heer wasaaradeed , heer gobol iyo heer degmo oo marna ma soo gaaraan hay’addaha kale ee dawladda sida baarlamaanka iwm cidna kalama tashato.
Ma dafirsani in arimahaan inta badan ay yhiin arimo baahi aad u weyn loo qabo balse waxaa la yaable sida aan arimahaas cidna war ugu heyn iyo dakhliga lagu lunsado maalin walba oo sii badanaya.
Waxaa jira sistemyo badan oo si toos ah loogu keenay maamulka Puntland oo ka yimi baahiyo si nidaamsan loo soo qeexay laguna gaaray in maalgelin lagu sameeyo sida sistemyo loogu talo galay dawladdaha hoose ayna maal gelinta sheegeen in ay bixiyeen hay’addo caalami ah oo ka mid ah kuwa la shaqeeya dawladda balse intabadan sistemyadan waxba lagama hayo sababo badan awgood oo ay ka mid tahay aqoon daro ka jirta adeegsiga iyo ka faa’ideysiga aalada casriga iyo nidaamka oo inta badan ku salaysan loox jiid iyo buug iyo qalin cabsina laga qabo in kumbuyuutar la adeegsado.
Waxaa u baahan in dadweynaha fahmaan arimahaan laabtooble wato waxay dib u dhac weyn ku keentay horumarka laga gaari lahaa dhinaca adeegsiga aalada casriga ee aadka loogu baahan yahay maadaama caalamka maanta uu marayo marxalad ka duwan middii hore taas oo uu hor kacayo adeegsiga internetka iyo aaladaha la xiriira oo sahlay in qofka uu meel kasta ka shaqeyn karo marka uu doono, adeegga dadweynahana la gaarsiin karo meelkasta si fudud.
Waxaa weli socda arimahaan laabtoobluhu hogaaminayo oo waxaad maanta arkaysaa niman laabtoobyo wata oo ku leh wasaarad heblo ayaan waxaas u samaynayaa, madaxtooyada ayaan waxaas u samaynaynaa iwm, markaa weydiiso xafiiskiisa ama shirkadda uu ka socdana wuxuu kuugu jawaabayaa shirkad dibadda ka jirta ayaan ka socdaa, hadii aad baarto shirkadaasna inta badan wax jira maaha. Waxaa intaa sii dheer markaa tiraahdo sistemka aad samaynayso oo intaa leeg ma keligaa baa samaynaya inta badan jawaab ka heli mayso oo waa kaa ordayaa.
Waxaa hada socda mashaariic waaweyn oo ku salaysan aaladda cusub kuwaas oo wadamada iyo hay’adaha taageera ummadda Soomaaliyeed ku bixinayaan malaayiin doolar oo ay ka mid tahay 15 milyan oo World Bank ku hormarinayo waxa loo yaqaan ICT (Information and Communication Technology) kaas oo laga hirgelinayo dalka Soomaaliya oo dhan. Waxaa kaloojira hay’addo badan oo dalka ka caawinaya adeegsida sistemyada kala duwan ee dawliga ah kuwaas oo dhamaantood ku dhisan aalada internet/network waxaana inta badan hogaaminaya sidii horeba qolyo laabtoobyo wata aan raadna lahayn iyo meel ay degan yihiin.
Arimahaan hadii aan dadweynaha iyo madaxda dawladda aysan ka hortegin waxaa dhacaysa in la dhunsado dhamaan dakhliga iyo sistemska loogu talo galay in lagu hormariyo deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa haboon in dadweynaha iyo madaxda dawladda ay yeeshaan aqoon iyo fahan ku saabsan adeegsiga aaladda cusub iyo howsha kala tuurka ee socota taas oo inta badan dhabarjab ku noqonaysa horumarka Puntland ay ka gaari lahayd xaga maamul wanaaga, dhaqaalaha iyo la qabsashada caalamka intiisa kale oo ay kow ka tahay adeegsiga aaladda cusub.
Waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay dalka joogaan shirkaddo u taagan horumarinta bulshada ee xaga aaladda cusub kuwaas oo shaqaale iyo maalba geliyey dalka dhexdiisa abuurayna fursad dhamaan sistemska loo baahan yahay lagu dhisikaro dalka hooyo dhexdiisa iyada oo aan lagu bixin boqolaal kun ama malaayiinta doolar toona.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa laabtooble waranle hala weydiiyo inta aan wax loo dirsan meesha cinwaankiisu yahay iyo cidda uu u shaqeeyo hadii kale intay soo bataan ayey dalka oo dhan afka ciida u darayaan.
W.Q:- Siyaad Cali Yuusuf
Information Systems
Brunel University, London-UK