Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal:Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Mss:Harriet Mathews, ayaa maanta xarunta safaaradda Brtitain ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhanka Amniga ku saabsan.
Generaal Diini ayaa sheegay in heshiiskani uu wax ku ool u yahay labada dal,isla markaana uu ka caawinayo inay iska kaashadaan la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan caalamka oo dhan.
Wasiirka ayaa sheegay in Britain kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta ammaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka.
Safiirka Ingiriiska Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa dhankeeda sheegtay in markasta ay la garab istaagayaan dowladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxanay u rajeysay dowladda Soomaaliyeed iney ku guulaysato hawlaha kala duwan hor yaalla.