Japaan oo taageero lacageed ugu yaboohday Soomaaliya

Tokyo-(Puntland Post)-Dowladda Japan ayaa 37 Milyan oo doollar-ka maraykanka ah u ballan qaaday iney ugu deeqeyso  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo sheegtay iney sii kordhin doonto kaalmada ay bixineyso.

U qaabbilsanaha arrimaha dibedda xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka Japan,Kawai Katsuyuki ayaa deeqda kaga dhawaaqay kulan ay dalka Itoobiya ku yeesheen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheeekh Maxamuud,kaasoo ay iskula soo qaadeen marxaladda uu dalku marayo.

Dowladda Japan ayaa deeqda ugu talagashay in wax looga qabto arrimaha amniga, dib u dhiska iyo horumarinta dalka,wuxuuna ra’aysulwasaare Katsuyuki ka dhawaajiyay in dalkiisu uu gacan joogto ah siinayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay Taageerada Japan ay siiso Soomaaliya,gaar ahaan gacan ka geysashada amniga iyo dib u dhiska waddanka oo muddo dheer kusoo jiray bur-bur iyo colaado sokeeye.

Dowladda Japan ayaa doonaysa inay xiriir dhow oo dhinacyadda Iskaashiga iyo Maalgashiga la yeelato Soomaaliya,taasoo soo celin karta cilaaqaadkii saaxiibtinimo ee labada dal ka dhexeeyay wixii ka horreeyay 1991-dii.