Xukuumadda Soomaaliya oo dhaliishay hay’adaha aan dowliga ahayn

Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka howlgala ay yihiin kuwa ku shaqeeya qaab fowdo ah.

C/raxmaan Ceynte ayaa intaa raaciyay in shacabka iyo dowladduba ay si weyn ugu jahwareersan yihiin qaabka ay ku shaqeeyaan NGO’s-yada,kuwaasoo uu ku tilmaamay inaysan ogeyn waajibaadkooda iyo doorka kaga aaddan dowladda federaalka inay ka qaadato waxyaabaha ay ku hawlan yihiin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tiradooda iyo tayada hay’adahaasi ay yihiin wax aan isku dheelli tirnayn, isagoo aad ugu dheeraaday baahiyaha asaasiga ee dad weynaha iney yihiin kuwo aad u liita,kuwaasoo uu ballan qaaday in lala xisaabtami doono dhawaan.

Hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaan “Non-governmental organization” (NGO) ayaa inta badan ku adeegta magaca bulshada rayidka ah iyo baahiyaha ay qabaan dadka dan yarta ah,kuwaasoo inta badan aan lala xisaabtamin.