London-(Puntland Post)-Maxkamad ku taal magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa 30-sano oo xabsi ah ku xukuntay saddex dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo lagu helay dambi ah inay kufsadeen gabar 16-jir Cadaan ah.
Muhiyadiin Osman, Bilal Ahmed iyo Mowliid Yuusuf, kuwaasoo da’dooda lagu sheegay min 20-sano jir, ayaa lagu eedeeyay inay ahaayeen kuwo burcad ah.waloow 2013-kii oo ahayd xilligii ay dembiga galeen ay da’doodu ahayd 17-jirro.
Dacwad oogaha Maxkamadda Manchester ayaa saddexdan ruux ku soo oogay dambi ah in sanadkii 2013 ay ku kufsadeen qeybta musqusha ee Hotelka Victoria Par gabar 16-jir cadaan ah,xilli ay socotay xaflad Diimeed halkaasi ka socotay.