Ra’aysulwasaarihii hore oo sheegay inaan loo dhammayn shirkii Xamar

Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in go,aannadii kasoo baxay shirkii wada-tashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay,uu ay ahaayeen kuwo u gaara dad goonni ah oo aan loo dhammayn.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in aragtida ay ka qaateen isaga iyo siyaasiyiinta la ollogga ah ay tahay mid dhaliilaysa go,aankii lagu gaaray in nidaamka 4.5 lagu qeybsado awooda baarlamaanka,taasoo uu ku tilmaamay mid qilaafsan dastuurka kumeel gaarka ah ee u degsan Soomaaliya.

Ra’aysulwasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu awelba shirku ahaa mid ay dad gaar ah yeesheen oo anan laga qeyb gelin xisbiyada dalka, maamulka Puntland, baarlamaanka, siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo hadda madax u ah urur ay ku midoobeen axsaab siyaasadeed oo lagu magacaabo  Madasha Midnimada Soomaaliya,ayaa wuxuu galaangal dheer ugu jiraa sidii ay u heli lahaayeen aqlabiyadda doorashooyinka soo socda oo la filayo inay dhacdo bisha Agoust ee soo socota.