Nin Soomaali ah oo lagu xukumay dalka Maraykanka

USA-(Puntland Post)-Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa la sheegayaa in nin Soomaali ah ay ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah,markii uu qirtay inuu taageero u fiidyey ururka Al-Shabaab.

Dacwad-oogista Maraykanka ayaa sheegtay in ninkaasi oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi kuna dhashay Soomaaliya uu ka tagay waddankii uu ku koray ee Biritan, kuna laabtay Soomaaliya, isagoo ku biiray ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda Brooklyn ee New York ayaa Jimcihii lasoo dhaafay xukuntay ,Mahdi oo 26 jir ah,waxaana horay xukunno kala duwan u mutaystay laba qof oo Swedesh ah,markii lagu eedeeyay inay wiilkan la shaqaynayeen.

Mahdi Xaashi waxaa la qabtay sannadkii 2012-ka waxaana lagu qabtay Bariga Afrika,kadibna waxaa loo wareejiyey dalka Maraykanka,wuxuuna baaris dheer ka dib caddeeyay dembiyada loo haysto bishii May ee 2015-ka.

Dacwad-oogista ayaa sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo koooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray.

Xammaami waxa uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u doonayeen ilaa intii uu ku dhintay weerar ay ku qaadday Al-Shabaab oo ay dhanka fekerka ku kala aragti duwanaayeen isaga iyo rag kale oo ajaaniib ah.