Cadaado-(Puntland Post)-Madaxweynaha maamul goboleedka Gal-mudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirka wada tashiga ee magaalada Muqdisho aysan raalli ka ahayn balse uu ahaa wax ay wateen beesha caalamka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Guuleed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulkiisa, ayaa sharraxaad ka bixiyay qaabka uu u dhacay shirku inuu ahaa mid qoor qabasho ah,taasoo uu sheegay in looga faa’aaiideystay kala aragti duwanaanshaha madaxdii ka qayb gashay madasha,isagoo beesha caalamkuna ka codsaday in mar kale la siiyo fursad.
Shalay ayay ahayd markii uu sidan oo kale u shaaciyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam,in lagu qasbay dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulladaba wixii laga soo saaray shirka,isagoo sheegay in gebigoodba loo yeeriyay qaraarka la gaaray,wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ku kala aragti fogaaday nooca doorasho ee dalka ka dhici karta bisha Augost ee soo socota.