Kenya oo Afrika ka codsatay in la xoojiyo la dagaallanka Al-shabaab

Addis Ababa-(Puntland Post)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa, ayaa ka codsaday golaha guud ee Midowga Afrika in dib loo fiiriyo awoodda ciidamada AMISOM ay kula dagaallamayaan Al-shabaab.

Mr:Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalintu aysan haysan awood dhinaca cirka iyo badda ah, iyadoo dalka Soomaaliya ay ku taal xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3000-km.

Ururka Al-shabaab ayuu sheegay inuu beddelay tabahiisa dagaalka,ayna tahay waajib in dalalka deriska la ah sida AMISOM ay qaadaan tallaabooyin muhiim ah si hore loogu socdo meesha haatan la joogo.

Uhuru Kenyatta oo soo bandhigay shan qodob oo quseeya la dagaallanka Al-shabaab ayaa kan koowaad ka dhigay baaq ah in dib loo eego awooda ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee dalka Soomaaliya ka howgala si loogu howlgalo baab’inta ururka Alshabaab.

Qodobka labaad ayuu ku sheegay Kenyatta inuu yahay in la xoojiyo ciidamada ka howlgala sector 3 oo ah gobolada Jubbaland dib loo eego halka ay ciidamadu kala degen yihiin.

Qoddobka saddexaad ayuu Ka codsaday Madaxweyne Uhuru  Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay xoojiyaan ciidamada AMISOM  si ay u helaan  awood xooggan oo ay ku howl-geli karaan.

Uhuro Kenyatta ayaa ku baaqay in loo helo dhaqaale xoog leh ciidamada AMISOM ayna qaramada Midoobay qeybteeda ka qaadato.

Isagoo qoddobka shanaad ka dhigey in la abuuro ilo dhaqaale oo muhiim ah, si goobaha la xoreeyo ay dadka uga helaan dhaqaale ay wax ku soo saartaan taasna ay sababto in dadka qaxootiga ah ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay hore ugaga soo qaxeen.