Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa la filayaa inay ka degaan magaalada Boosaaso halkaas oo ay ku sugayaan kumanaan dad weyne ah oo ka qayb qaadanaya soo dhoweynta wafidan.
Dr;Gaas iyo masuuliyiinta reer Puntland ee ka qayb galay shirka wada tashiga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa qaaddacay go’aannadii ka soo baxay kulanka,iyagoo sheegay inayan u cuntamayn shacabka ay metelaan waxyaabihii laga soo saaray oo ah in doorasho lagu galo nidaamka 4.5 bisha Augost ee soo socota.
Dhanka kale siyaasiyiinta iyo shacabka reer Puntland ayaa si weyn ugu gil-gishay heshiiskan lagu gaaray Muqdisho,waxaana magaalooyinka waaweyn ee dhulka Puntland ka soconaya dibed baxyo lagu diiddan yahay nidaamkan inuu ka sii shaqeeyo Soomaaliya.