Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Dr;Cali Cabdillaahi Warsame ayaa sheegay inay Puntland leedahay dal ballaaran oo ay ka jirto dowladnimo buuxda iyo shacab daacad u ah danahooda taasoo ay tix-gelinayaan rabitaankooda.
Wasiirka oo u warramayay warbaahinat puntland isagoo ku sugan Muqdisho ayaa intaa raaciyay iney Puntland laf-dhabar u tahay Soomaaliya oo aan sinnaba looga maarmi karin,haddii ay dhacdi in laga tallaabsadana ay aayaheeda ka tashan doonto.
Dr;Cali C/laahi ayaa sheegay inayan Puntland la mid ahayn maamullada gacan ku rimiska ah salna u tahay nidaamka federaalka ah ee ay maanta Soomaaliya ku dhisan tahay,isagoo tilmaamay inaan lagu qasbi karin wax aysan raalli ka ahayn.