Nairobi-(Puntland Post)-Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay gashay gabbood fallo iyo xadgudubyo ka dhan ah bani,aadannimada sanadkii tagay ee 2015.
Tacaddiyadan ayaa la sheegay inay intooda badan geysteen ciidamada ammaanka laamahooda kala duwan, iyadoo hay’addu soo qaadatay dhibaatooyinka ay ka geysteen xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo kuwo lagula kacay dadka deggan gobolka waqooyi bari Kenya ee Soomaalida ah.
Riboodh-ka Human Rights Watch ee sanadka 2016 oo shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha ee ay Kenya ku kacday ay isugu jiraan dil, xarig aan kala saar laheyn, jirdil iyo cabsi gelin.
Waxaa kale oo lagu eedeeyey xariga hey’ado badan oo madani ah iyo in xorriyada laga qaaday xarumo badan oo warbaahineed oo dalkaasi ka jira.
Warbixinta hey’adaan oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo aheyd tii 26-aad kana koobneyd 659 bog, ayaa waxaa loogaga hadlay tacadiyo ka dhacay ilaa iyo 90 wadan.
Waxay si gaar ah warbixintu u xustay in Kenya ay si qasab ah ugu kalliftay qaxooti Soomaaliyeed inay dalkooda dib ugu laabtaan, kufsi loo geystay haween, dad la waayey iyo dilal si ula kac ah loogu geystay dad lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Ururrada argagixisada awgood.
Falalkii ugu dambeeyay ayaa ahaa dil bareer ah oo ay ciidanka Booliska Kenya kula kaceen dhallin-yaro wadatay gaari nooca raaxada ah xilli ay ku sii jeedeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Mandheera, iyo xabaal wadareedyo la sheegay in lagu aasay dad la waayay oo ay laamaha ammaanka kala baxeen guryahooda degaanno ka mida gobolka waqooyi bari ee ay Soomaalidu degto.