Stockholm-(Puntland Post)-Anders Ygeman oo u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday inay dowladdiisu ka eryi doonto dalkaasi 80,000 qof oo soo galooti ah,kuwaasoo la diiday codsiyadoodii megen galyo doonka ahaa.
Dadkan ayaa wejiga koobaad noqon doono 60,000,halka ay ku xigi doonaan 20,00 oo kale sida uu sarkaalkan caddeeyay,kuwaasoo daabbulaaddooda loo adeegsan doono Diyaarado ay dowladdu ugu tala gashay,taasoo socon doonto muddo sanado ah.
2015-kii oo qura waxaa dalkaasi megan galyo weydiistay 163,000 oo qaxooti ah, waxaa lagu sheegaa tiradi ugu badneyd ee dal Yurub ah iska dhiibta,waxaana isla sanadkaasi la eegay kiiska 57 kun oo ruux, waxaana laga aqbalay in ka badan kala bar.
Lama shaacin illaa iyo haatan waddamada ay u kala dhasheen qaxootigan ay dib u celineyso Sweden, waxaana lagu wadaa inay qayb ka noqon doonaan dad Soomaaliyeed oo ka firxaday colaadaha iyo marxaladda adag ee uu dalka ku jiray muddada dheer.