Beled-weyne-(Puntland Post)-Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhimatay, saddex kalana way ku dhaawacantay, isku-dhac laba malleeshiyo beeleed maanta ku dhex maray deegaan ku dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa billowday markii dableey hubaysani ay nabad-doon caan ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muxumed Barre (Jiiroow) ku dileen gurigiisa oo ku yaalla degaanka Lafoole oo qiyaastii 20-KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Baladweyne.
Wararka ugu dambeeyay ee tuulada Lafoole ayaa sheegaya inuu joogsaday dagaalka,waxaana soconaya waan-waan lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda.
Dilka nabaddoon Jiiroow ayaa lala xiriirinayaa, aano qabiil oo ka dhexaysa labada beelood oo dhowr goor oo hore ku diriray halkaas,taasoo sida la sheegay salka ku haysa dhul beereed lagu muran yahayn.