Baarlamanka Puntland oo go’aan deg-deg ah ka qaatay qodabbadii kasoo baxay shirka Muqdisho

Garoowe-(Puntland Post)-Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa kulan degdeg ah oo looga soo hor-jeedo nidaamka 4.5-ka ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Puntland aanu oggolaan karin 4.5, beesha caalamkana ay ugu baaqayaan inaysan taageerin go’aan aysan Soomaalidu u dhammeyn.

Shirka Baarlamaanka dowladda Puntland ee magaalada Garowe oo la qabtay intii aanu madaxweynaha dowladda Puntland gaarin halkaasi,ayaa waxaa lagu qaatay go’aan ah in Puntland Baarlamaankeeda oo metelaya shacabka uu si weyn kaga soo horjeedo in 4.5 lagu saleeyo awood qeybsiga dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaana kulanka deg-degga ah ka dib laga soo saaray war-saxaafadeed ka koobnaa laba bog una qornaa sida tan:-

1

2