Wejiga koobaad ee shirka wada tashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta madaxtooyada dalka ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah madasha wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon inay ka dhacdo.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Ra’aysulwasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali ,kuxigeenkiisa, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka, masuuliyiinta maamul goboleedyada,u qaybsanaha qaramada midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo xubno kale oo ka socota beesha caalamka.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira hiigsiga waxa ka dambeeya Augost 2016-ka iyo halka looga dhaqaaqayo.

Beesha caalamka ayaa ka dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay gaaraan go’aan rasmi ah, ka hor kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobey oo dhici doona 28 bishan,shirka madaxweynayaasha Afrika iyo kan Urur goboleedka IGAD oo isna dhawaan dhici doona.

shir7 shir6 shir5 shir4 shir3 shir2 shir1