Islamabad-(Puntland Post)-Ku dhowaad labaatan qof oo u badan macallimiin iyo arday ayaa ku geeriyootay weerarka lagu qaaday Jaamacad ku taalla dalka Pakistaan oo ay dhigtaan 3000 qof.
Ciidamada Amniga ee dowlada Pakistan ayaa gudaha u galay xarunta Jaamacada, waxaana weli qeybo kamid ah xaruntaasi laga maqlayaa rasaasta iyo qaraxyada. Saraakiisha laamaha amaanka ayaa qaarkood sheegay inay dileen ugu yaraan 2 kamid ah maleeshiyada weerarka soo qaaday.
Magaalada Charsadda oo ku taal waqooyi galbeed dalka Pakistan ayaa 140km u jirta caasimada dalkaasi ee Islamabad.
Dhamaadkii sanadkii 2014 ayey ahayd markii kooxda Talibanka ee Pakistan sidan oo kale weerar ugu qaadeen iskuul uu maamulo militariga dalkaasi oo ku yaal magaalada Peshawar, halkaasi oo ay ku dileen caruur arday ah oo gaareysa 130.