Suxufi waraystay nin dad qal ah oo lagu xiray Burco

Burco-(Puntland Post)-Ciidamada ammaanka gobolka Togdheer ayaa xabsiga dhigay wariye C/maalik Muuse Coldoon iyo sawir qaade magaciisa lagu soo koobay Diiriye,kuwaasoo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Somalia-land.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Boolisku ay la wareegeen xafiiskii iyo qalabkii warbaahineed ee ay ku hawl-galayeen suxufiyiinta,isla markaana ay jirdil iyo handedaad u geysteen xilligii ay ku guda jireen soo qabashadooda.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Togdheer, Axmed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay in wariyahan la xidhay,loona haysto inuu qof eedeysane ahaa oo ay baadhistiisu socoto oo uu jeelka waraysi uga qaaday isagoo aan ruqsad u haysan.

13-kii bishan ayay ahayd markii nin Oroma ah oo qashay gabar Afar jir ah lagu qabtay degaanka Waran ee duleedka magaalada Burco,kaasoo ay iminka ku socoto baaris,waxana wariyahan lagu eedeeyay inuu waraysi ka qaaday ninkan.

Waxaa maalmahan ku soo badanaya gobolka Togdheer dadka dhiigyo cabka ah,waxanay tani imanaysaa iyadoo nin kale oo dad qal ah lagu qabtay Tuulada Bali Hiille oo ka tirsan Burco,kaasoo isna lagu hayo xabsiga dhexe ee magaalada Burco.