Midowga Yurub oo xoojinaya taakulaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dalka Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Taliyaha Ururka midowga Yurub General; Antonio Maggi  iyo saraakiil kale

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca qaranka ayaa lagu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen dar-dar gelinta tababarrada iyo taakuleynta midowga Yurub ay siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Diini ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin midowga Yurub dalka Soomaaliya,isagoo ammaanay ballaaran u jeediyay kaalinta ay saraakiishan ka qaataan dib u dhiska ciidamadda qalanbka sida ee dalkeenna.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in sanadkan 2016 la kordhin doono tababarrada ciidanka si kor loogu qaado xirfadda iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“ Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Waxeey nagala qeyb qadanayaan dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Waxaa la doonayaa in la soo saaro Ciidan tababar fiican leh asluub iyo anshax leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarrada ay bixiyaan.

?????????????

?????????????

?????????????