Beesha caalamka oo rajo ka muujisay doorasho ka dhacda Soomaaliya

New York-(Puntland Post)-Beesha caalamka ayaa sheegtay iney rajeyneyso in madaxda Soomaalida ay si deg deg ah isugu raacaan heshiis loo dhan yahay,isla markaana ay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadkan.

Bayaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo uu ahaa horumar ay sameeyeen masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleed-yada ayna sugayaan in shirarka ay sii socdaan.

Qaramada midoobay,midowga Afrika,midowga Yurub, Ingiriiska, Sweden iyo Italy ayaa sheegay iney filayaan in kulan kale oo laysku af-garto uu qabsoomi doono,waxanay rajo ka muujiyeen in Soomaaliya ay ka hirgali doonto doorasho shacab inta u dhaxeysa 2016-ka ilaa 2020-ka.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mida maamul goboleedyada dalka ayaa iyana yididiilo ka muujiyay kulan kale oo looga arrinsanayo doorashada soo socta,iyagoo aan weli isla meel dhigin halka uu shirku ka qabsoomayo iyo xilliga uu dhici doono.