Xasan sheekh oo markii ugu horreysay qaabbilay danjire Michael Keating.

Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay maanta qaabbilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Xasan Sheekh ayaa Ergeyga  cusub uga warbixiyay xaaladda dalka uu haatan marayo, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Danjire Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay qaramada midoobay ka waddey dalka.

Michael Keating ayaa beddelay Nichoals Kay oo xilka danjire-nimo ee Soomaaliya hayay muddo laba sano iyo bar ah, waana siyaasi ka soo shaqeeyay meelo badan oo caalamka ah,aadna ugu dhuun daloola xaaladda qaaradda Afrika iyo waddamada ay ka jiraan dagaallada sokeeye.

ergey3ergey2ergey1 ergey4 ergey5