Shir lagu go’aaminayo nooca doorasho ee dalka oo mar kale la qaban doono

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guula laga gaaro shirarka wadatashiga qaran ee looga hadlayo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto dhowaan.

Cumar Cabdirashiid Cali wasiirka koobaad ee dalka ayaa sheegay in xukuumadda ay soo saari doonto waqti go’an oo ay madaxda dalka markale isugu imaanaan kulamo looga tashanayo hanaanka doorasho ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha Augost ee sanadkan.

“Shirka dedaallo badan kadib meel fiican ayaan isla gaarnay, oo meeshii hore ee lakala joogay waa la isaga soo dhawaaday, xukuumadda ayaa dedaal u geli doonto xilliga dambe ee shirka la isugu imaanayo oo lagu soo gunaanadayo wixii kala aragti duwanaansho ah, runtii meel fiican ayaan wax isla meel dhignay, waxyar oo farsamo ah ayaa haray, intaasna waa la dhameystiri doonaa” ayuu yiri.

Hadalkan ra’aysulwasaaraha ayaa imanaya iyadoo maalintii shalay ahayd lagu soo kala tegey shir la doonayay in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta,kaasoo ka socday magaalada Kismaayo,iyadoo loo ballamay in kulan kale lagu yeesho dhowaan magaalada Muqdisho.