USA-(Puntland Post)-Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkii jimcihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab ku qaaday Saldhig ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay taageeri doonto ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.
Af-hayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka John Kirby,ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka taageerayaan, sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ururka Al-Shabaab, waxaa uu xusay inay si dhow ula shaqeynayaan.
Mareykanka ayaa taageero toos ah siiya ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, isagoo ka caawiya dhanka tababarrada,dhaqaalaha iyo qalabka Milateri,taasoo qaarkeed loo soo mariyo hay’adaha qaramada midoobay.