Nairobi-(Puntland Post)-Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegtay in howl-gal cir iyo dhul ah ay ka waddo deegaanno ka tirsan gobolka Gedo,kuwaasoo isugu jira aargoosi iyo baadi goob la sheegay inay ku raadinayaan askar lagaga qabsaday dagaalkii ay dhowaan la galeen Al-shabaab.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa intii ay ku guda jireen baadigoobka askartooda maqan waxay duqeymo ka geysteen goobo ay tuhunsan yihiin inay ku dhuumaaleysanayaan dagaal yahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Mid ka mid ah afar askari oo dhaawac ah, kuwaasoo shalay la geeyay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu arkayay diyaaradaha dagaalka Kenya oo dul heehaabayay, isla markaana ay ku adkeyd inuu u wacdo, balse markii dambe ay iyagu arkeen.
Wasiirka wasaaradda difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo, ayaa sheegtay inay wadaan howl gal baadigoob iyo bad baadin ah oo askarta ka maqan ah, iyadoo xustay inay wajahayaan weeraro argagixiso.
Xoolo dhaqatada degaanka ay dirirta ka dhacday ayaa sheegaya inay arkeen meydad dhowr ah, waxayna intaa raaciyeen in askar ka tirsan Kenya la dilay iyagoo firxad ahaa, waxana aad isu soo taraya qasaaraha xooggan ee gaaray ciidamada Kenya.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii jimcihii ay ku dileen in ka badan 100 askari oo Kenyan ah, 12-kalena ay qabteen,waloow ayan jirin cid madax bannaan oo haysa tirada dhimashada ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.