Hargeysa-(Puntland Post)-Booliska magaalada Burco ee caasumadda gobolka Togdheer ayaa qabtay nin lagu soo eedeeyay inuu ahaa dad qal,markii ay dadka degaanka arkeen isaga oo qaadanaya isla maraana surka ilmo yar.
Ninkan ayaa qoorta ka jaray si uu dhiigga uga jaqo Xamda Cabdi Xasan oo Afar jir ahayd kana mid ahayd dadka tuulada Waran ee duleedka magaalada Burco,taasoo ay waaliddiinteeda iyo deriskuna ka soo rideen qaybaha kale ee jirkeeda ninka dad qalka ah.
Taliya Boliiska gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay inuu ninkani kasoo jeedo qoomiyadda Oromada dalka Itoobiya,kaasoo ka mid ahaa sida uu sheegay dadka Tahriibta ku maray Soomaali-land,kuwaasoo uu ku tilmaamay inay intooda badan u dhaafaan dhanka gobolka Bari.
Ninkan dad qalka ah oo iminka lagu hayo xabsiga dhexe ee magaalada Burco ayaanan la shaacin ciqaabta uu mutaysanayo maaddaama ayan Soomaali-land lahayd xeerka dadka dadka cuna ama (Cannibalism law)
Taliye Guutaale ayaa dadka reer Burco ka codsaday inaysan ku qammaamin dadka kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada,maaddaama ay la mid yihiin buu yiri dadka gala dembiyada caadida ah ee bulshada ka dhex dhaca.