Madaxweynaha dalka oo gaaray Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Post)-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaas oo la filayo inuu ka furmo Shirka madasha wada tashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubba guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana saacadaha soosocda la filayaa inuu furmo shirka  madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016’ka.

Shirkan ayuu qorshuhu ahaa inuu Kismaayo ka furmo 10-kii bishan,balse mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex galay hoggaamiyeyaasha maamullada dalka qaarkood ayaa la sheegayaa inuu dib u dhac ku keenay qabsoomidda kulanka xilligii loogu tala galay,murannadaasoo intoodii badnayd la xalliyay.

Waxaa taagan weli kala aragti duwanaashaha dadka ku dhaqan guud ahaan dalka Soomaaliya ee ku aaddan qaabka ay noqonayso doorashooyinka dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan,iyadoo ay ka duwanaan doonto tii dhacday 2012-kii.