Hargeysa-(Puntland Post)-Maxkamadda madaniga ee magaalada Hargeysa ayaa xukun isugu jira, xarig, ganaax iyo musaafurin waxay ku ridday saddex qof oo la sheegay inay Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Somaliland.
Labo ka mid ah dadkan ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalka Pakistan, halka qofka saddexaad ay ahayd haweeneey u dhalatay Soomaaliya,taasoo lagu eedeeyay inay furtay marqaati been ah xilligii ay socotay dacwadda raggan.
Guddoomiyaha maxkamadda Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen inay qal qal geliyaan caqiiqadada caqiiddada Islaamka,gaar ahaan tan Sunniga oo ay dadka Soomaaliyeed intooda badani aaminsan yihiin.
Cabdirashiid Beer-geelSidoo ayaa sheegay in eedeysanayaasha qaar la xukumay iyagoo maqan, isagoo xusay inay qeybinayeen laba kun oo buug,kuwaasoo ka hadlaya Mad-habta Shiicada,iyadoo lagu tarjumay Af-Soomaali.
Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay hey’ado doonaya inay gudaha dalka ku faafiyaan mad-habta Shiicada, isla markaana uga faa’ideysanaya daruufaha nololeed ee ka dhex jira bulshada muddada dheer.
Bishii December ee sanadkii tagay ee 2015 ayay aheyd markii labo muwaadin u dhashay Iiraan lagu xiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu eedeeyay inay mad-habta Shiicada faafinayeen,taasoo ay dafirtay dowladda Iiraan.
Iiraan oo inteeda badan ah dal laga aaminsan yahay Mad-habta Shiicada, ayaa mashaariic badan oo liddi ku ah Sunniga waxay ka waddaa waddama badan oo Islaam ah,taasoo keentay inay xiriirka siyaasadeed u jaraan dadka Islaamka ee Sunniyiinta ah.