Kismaayo-(Puntlandpost) Madaxda mamuladda dalka iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa ku sugan magalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose halkaasoo lagu wado inuu ka furmo shirka doorashada 2016.
Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Kismaayo, si uu qayb uga noqdo shirka lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya maadama aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, tan iyo xalay waxaa magalada ka socday kulamo is arag ah hase yeeshee ma jirto wax kasoo baxay marka laga tago in la iska waraystay xaalada guud ee Soomaaliya.
Nidaamka 4.5 oo qayb ka noqonaya doorashada 2016 ayaa weli saluug laga muujinayaa, taasoo siyaasiyiinta dalka qaarkood tilmaamayaan inay tahay dulmi weli dabada laga sii riixayo.
Puntland iyo Jubbaland ayaa ka mid ah mamulada diidan nidaamkaasi, waxayna arrintaasi sababtay in shirkii Xamar dhammaadkiisa laga soo saaray qoraal sheegaya in doorashada lagu salaynayo deegaan iyo 4.5.
Puntlandpost.com