Bosaso-(Puntlandpost) Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa dadkii lagu caasumay xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu marka hore u mahad celiyay dowladda Puntland iyo shacabkeeda gaar ahaan xagga horumarka.
Jeelle ayaa sidoo kale Puntland uga mahad celiyay soo dhawayntii ay u fidisay qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay muujiyeen Soomaalinimo iyo garab istaag.
Dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa uga mahad celiyay dowladihii ka qayb qaatay dhaqaalaha lagu dhisay.
Marka laga tago arrimahaasi waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada oo uu sheegay dowladdu inaysan ku guulaysan nidaamka halka cod iyo halka qof lagu saleeyo doorashada soo socota, wuxuuna sheegay in shacabka looga baahan yahay inay dowladda kula xisaabtamaan.
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah masuuliyiinta sida aadka ah dadka ugu qosleen khudbadihiisa ayaa dadkii xafladda joogey waxay aad ula dhaceen habka uu hadalka u jeediyay, waxaana hal mar goobta is-qabsaday sacab iyo qosol.
Cali Cabdi Duclae
Puntlandpost.com
You must be logged in to post a comment.