Madaxweyne Gaas oo Jimcada xariga ka jari doona Garoonka Bosaso

Bosaso-(Puntlandpsot0-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Jimcada xariga ka jari doona garoonka Bosaso oo ah garoon Caalami ah oo Soomaaliya yeelatay.

Wafuud ka socda meelo kala duwan ayaa lagu caasumay furitaan Garoonka,Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh,labadada madaxweyne ee maamulada Jubbaland iyo Gal-mudug ayaa ka qayb gali doona xarig jarka.

DJabuuti,Hargaysa,Muqdishi,Adis Ababa,Nairobi,Dubai iyo  Thailand ,Turki China, Imaaraadka Ethiopia , Masar,Kenya wafuuud ka socota ayaa ka qayb gali doona furitaanka garoonka Bosaso.

Magaalada Bosaso ayaa haatan waxa kusugan madax badan, waxaana la sugaya Maanta mdaxweyne Xasan shiikh iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Gal-mudug, sidoo kale waxaa la filayaa  diblumaasiyiin ah  caalamiya inay yimaadaan.

Puntlandpost.com.