Madaxwaynaha Soomaaliya oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay Airport-ka Bosaso

IMG_0367Bosaso- (Puntland Post) Diyaaradda Freedom Air oo siday Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii danbe ee maanta soo gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso.

Madaxwaynaha Puntland, ku xigeenkiisa, Afhayeenka Baarlamaanka, gollayaasha kala duwan ee dowladda, masuuliyiin hore iyo dadwayne ku labisan calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa soo dhaweynta Xasan Shiikh Maxamuud ka soo qayb galay.

Madaxda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka difaaca Puntland, ka dib waxay mid mid u gacan qaadeen dadkii kala duwanaa ee soo dhawaynta kasoo qayb galay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxwaynaha Puntland ayaa warbaahinta kula hadlay guriga martida ee Airport-ka Bosaso, waxayna sheegen inay Puntland iyo dadka Soomaaliyeed maalmo muhiim ah u tahay dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso.

Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka mahad celiyay habka wanagasan ee loogu soo dhaweeyay garoonka waxa kale uu sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha garoonka horumarka dalka ka socda.

Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay marka hore inay ku faraxsan yihiin imaanshaha madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, waxa kale uu sheegay marka ay dhammaadaan munaasibadda Bosaso lagu qabanayo ay madaxdu ka wada hadli doonto arrimaha Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa magaalada Muqdisho ka soo qaaday diyaaradda Shirkadda Freedom Air oo isaga kala goosha Bariga Africa iyo Imaaraadka, waana nooceeda tii ugu weynayd Puntland ka soo degta.
Madaxda Shirkadda Freedom Air ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin diyaaradooda inay addeeg-sadaan madaxda Soomaalida.

IMG_0261

IMG_0262

IMG_0263

IMG_0265

IMG_0266

IMG_0277

IMG_0285

IMG_0294

IMG_0297

IMG_0309

IMG_0326

IMG_0328

IMG_0330

IMG_0334

IMG_0337

IMG_0341

IMG_0346

IMG_0358

IMG_0359

IMG_0362

IMG_0367

IMG_0378

IMG_0382

IMG_0386

IMG_0394

IMG_0411

IMG_0424

IMG_0428

IMG_0436

IMG_0437

IMG_0443

IMG_0444

IMG_0445

IMG_0447

IMG_0450

IMG_0455

IMG_0464

IMG_0469

IMG_0470

IMG_0478

IMG_0479

IMG_0482

IMG_0487
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com