Bosaso-(Puntlandpost) Madaxwaynaha Puntland, ku xigeenkiisa, Afhayeenka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa maanta oo Khamiis ah tagay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, halkaasoo ay ka socoto diyaar garowgii ugu danbeeyay.
Madaxdani ayaa tagay dhabada ay diyaaradaha ku ordayaan, xarunta loogu addeegayo dadka isticmaalaya garoonka iyo hoolka loo diyaariyay in maalinta berito ah lagu qabto munasibadda daah furka.
Madaxwayne Gaas ayaa amaanay qaabka loo diyaariyay munaasibadda beri, waxa kale uu sheegay inay tahay guul ay Puntland gaarta taasoo ku aadan dhismaha garoonka diyaaradaha oo dhaqaalaha ku baxay ku deeqday dowladda Talyaaniga.
Wafdiyo ay hoggaaminayaan madaxwaynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Cumar iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo wajahan magalada Bosaso.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay garoonka diyaaradaha waxaa ku sugan dad aad u faro badan oo doonaya inay goob joog u noqdaan furitaanka garoonka diyaaradaha.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
You must be logged in to post a comment.