Bakool sare oo xildhibaanno ka hor istaagtay inay tagaan Ceel-berde

Xuddur-(Puntland Post)-Wararka laga helayo magaalada Xuddur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dib loo soo celiyay diraarad ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan dowladda dhexe oo ku sii jeedday degmada Ceel-barde.

Maxamed lidie Geedi Xeroow ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid sax ah oo uu soo dhoweynayo maaddaama aysan mudanayaashan la histaagay aysan u dhalan degaanka,balse ay yihiin kuwo qas iyo qalaanqal ka abuuraya dhul nabad ah.

“Xildhibaannada la celiyay waa saaxiibbadeey,laakiin degaanka uma dhalan,wax wenaag ahna uma socon,in la celiyana waan soo dhoweynayaa,waxaan u mahad celinayaa ciidamadii celiyay,haddii kale meesha dagaal baa ka dhici lahaa,ayuu yiri mudane Xeroow.

Xildhibaannada maanta laga hor istaagay Ceel-barde ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Xuddur, waxanay halkaa u tageen sidii loo dhammayn lahaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay maamulka Bakool sare oo dhowaan loogu dhowaaqay Ceel-berde.