Taliyaha booliska Soomaaliya oo bulshada ugu baaqay ka shaqaynta amniga

Taliyaha Booliska Soomaaliya  — Wakaaladaha
Taliyaha Booliska Soomaaliya, Sarreey Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud — Wakaaladaha

Muqdisho (Puntland Post) — Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday shacabka in ay gacan ku siiyaan xaqiijinta amniga, isla markaasna mas’uuliyadda ka saran nabadgelyada ay dhankooda ka qaataan.

Sarreey Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud oo ka hadlayay munaasabad xarigga looga jarayay saldhig boolis oo laga hirgeliyey degmada Kaxda ayaa tilmaamay in shacabka looga fadhiyo in ciidamada ay gacan ku siiyaan xoojinta nabadgelyada, si looga hortago cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, waxaa na uu xusay in dhankooda ay har iyo habeen diyaar u yihiin ka shaqeynta amniga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in waajibaadka horyaalla ay adagtay inay ka soo baxaan, haddii shacabku aysan garab ku siin oo ciidanka amniga ku taageerin howsha ay hayaan.