London-(Puntland Post)-Laamaha ammaanka dalka Britain ayaa shaaca ka qaaday inay heleen Xogo dheeraad ah oo muujinaaya halka ay iminka ku sugan tahay Haweeneyda u dhalatay dalka Ingiriiska, Samantha Lewthwaite looguna yeero (Carmaladda Cad) taasoo ka danbeysay weerarkii lagu qaaday Suuqa ganacsiga Wast-gate ee dalka Kenya.
Booliska ayaa laga soo xigtay in wardoonkooda ay Samantha Lewthwaite ku arkeen iyada oo indha indheyneysa Hotel ku yaalla magaalladda Darlington,oo taalla waqooyi bari gobalka England ee dalka Britain kaasoo ay ku nagaadaan siyaasiyiinta shisheeye iyo kuwa u dhashay dalkaasi.
Qoraal kusoo baxay Wargeyska The Newscastle Chronicle ayaa lagu sheegay in Booliska ay heleen Carmaladda Cad warkeeda ugu dambeeyay,wuxuuna Wargeysku sheegay in iminka ay gabadhani ku sugan tahay dalka Ingiriiska,iyadoo marba meel ku dhuumaneysa si ay uga badbaaddo laamaha ammaanka iyo sir-doonka dalkaasi ee baadigoobka xooggan ugu jira.
Wargeysku waxa uu sheegay in wardoonka Britain uu horay usoo gudbiyay xogta Carmaladda Cad ee la xiriirta inay ku dhex sugan tahay Britain, waxaana sidoo kale xogtaasi cadeeyay Haweeney aan magaceeda la xusin oo iyana cadeysay in Carmaladda Cad ay aragtay iyada oo maamulka Hoteelka ka wareysaneysa arrimaha Hoteelka.
Haweeneyda xogtaani soo gudbisay ayaa sheegtay in Carmaladda Cad ay aragtay bishii December 26-dii ee sannadkii hore,iyadoo ku sugan Hoteelka Bannatyne,hayeeshee ay arrinkaasi ku wargalisay Booliska magaalada.
Xogaha ay heshay haweeneydaasi ayaa kusoo beegmeysa xili Boliska Caalamiga ah ee Interpol ay horey u soo saaren digniin Casaan ah oo lagu baadigoobayo Haweeneyda Britishka ah ee Samantha Lewthwaite, oo lagu eedeynayo inay ka dambeeysay weerarkii ay Al-shabaab sannadkii hore ku qaadeen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.
Ciidamada magaalladda Darlington ee waqooyi bari ee Gobalka England ee dalka Britain ayaa iminka la geliyay heegan, si looga hortago weerar la sheegay inay maleegeyso Samantha Lewthwaite (Carmaladda Cad) oo la rumeysan yahay in wali ay ku sugan tahay dalka Britain.
Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa horey ugu sheegay warbaahinta Caalamka inay haweeneydaasi tahay gacanta midig ee hoggaamiyaha Al-shabaab,taasoo isu yeesha wejiya badan oo aan sahal lagu fahmi karin.