Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku soo wajahan Puntland

Muqdisho (Puntland Post) — Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminyo  ayaa bari la filayaa inay yimaadaan  Puntland,waxaana uu ku wajahn yahay magaalada Bosaso.

Xassan Sheekh ayaa Boosaaso u tagaya inuu ka qayb galo furitaanka garoonka Boosaaso iyo sanadguuradii labaad ee madaxweyne Gaas markuu madaxweynaha noqday oo 8 Janaayo ku beegan.

Bari galab ayaa lafilayaa inu Madaxweynuhu kaso tago Garoonka diyaaradaha Boosaaso, waana diyaaradii ugu horaysay oo intii ladhisay garoonka kasoo tagta.

Wafuud badan ayaa kusugan Boosaaso, kuwaas oo dhamaantood ka qayb gali doono labada munaasabadood, Boosaaso ayaa laga dareemaya qaban qaabada munaasabadaha.

Shacabka Puntland ayaa qaarkood ay ka tagay magaalooyinka  kuwaas oo raba inay ka qayb galaan munaasabadaha,warbaahinta qayb kamid ah oo  ka tagay magaalooyinka Puntland ayaa tagay Bosaso si ay uga qayb galaan labada munaasabadood.