Qardho (Puntland Post) — Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar.
Madaweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa ka qayb gali doona furitaanka Garoonka Bosaso oo 8 Bishan la furi doono, iyo sanad guuradii labaad ee madaxweyne Gaas markuu xilka qabtay oo lagu qaban doono Bosaso.
Magaalada Qardho wuxu madaxweyne Gaas xarigay ka jaray Madaxtooyada Qardho,Waftiga waxaa iyaguna kamid ah qaar kamid ah golaha wasiiradda Puntland iyo Xildhibaano.
Bosaso waxaa sidoo kale saaka aaday Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole,iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Sooamaliya Cabdiwali Shiikh Axmed.
Magaalada Bosaso waxaa laga dareemayaa xaflada furitaanka Garoonka,Shacabka ayaana aad ugu faraxsan Garoonka Caalamiga ah ee Puntland yeelatay.
Puntlandpsot.com