Cadaado (Puntland Post) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdixakiim Guuleed, ayaa ku soo wajahan Puntland, isaga oo ka qayb geli doona munaasabadda furitaanka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo sanadguurada labaad ee dowladda xukunka haysa ee Puntland, munaasabaddaas oo lagu wado in ay Boosaaso ka dhacdo.
Madaxweyne Cabdixakiim Guuleed ayaa soo raaci doona madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, oo Cadaado kula shiray madaxweyne Guuleed.
Waa markii ugu horaysay oo Cabdixakiim Guuleed intii uu noqday madaxweynaha Galmudug uu yimaado Puntland, waxana ay tani ku soo aadaysa xilli dhawaan uu heshiis ku dhexmaray Puntland iyo Galmudug magaalada Gaalkacyo.