Madaxwaynihii hore Puntland oo ka qayb galaya furitaanka Airport-ka Bosaso

fartaGarowe(Puntlandpost)- Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole qaar ka mid ah wasiiradiisii hore ayaa maanta u anbo baxaya magalada Bosaso halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu sii qul-qulayay.

Cabdiraxmaan Farole ayaa lagu marti qaaday munaasibadda furitaanka dhismaha wajiga koowaad garoonka diyaarahada Bosaso kaasoo la daahfuraya 8-da bishaan, sidoo kale waxaa ka qayb galaya Cabdiweli Shiikh Axmed, Cali Maxamed Geedi oo Ra’iisul Wasaare kasoo noqday Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kasoo qayb galayo, kana soo dego gagida diyaaradaha magalada Qardho.

Wajiga koowaad dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa diyaar ah dherarka dhabada ay diyaaradaha ku ordayaan ayaa dhan 2.KM iyo 400-mitir halka balacana uu yahay 45-Mitir, dhaqaalaha ku baxayna waxaa Puntland ugu deeqay dowladda Talyaaniga.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe