Kenya oo lacag dul dhigtay raggii weeraray Baska dhawaan

Nairobi-(Puntalnd Post)-Boliiska dalka Kenya ayaa ballanqaaday in ciddii keenta macluumaad sahlaya soo qabashada raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Baska agagaarka Mandheera daba yaaqadii sanadkii tagay.

Dowladda Kenya ayaa raggan oo tiradooda lagu sheegay Afar nin dul dhigtay lagac gaaraysa Siddeed Milyan oo Shilinka Kenya ah,taasoo lagu abaal marin doono ciddi keenta xog fududeyn karta in la soo xiro ama la dilo.

Laba qof ayaa ku geeriyootay Afar kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii Buska lagu magacaabo Makka lagu weedraray nawaagiga Mandheera 21-kii Decembar 2015-kii,kaasoo ay la socdeen dad isugu jira Muslim iyo Masiixiyiin.

Baska oo ka tagay Nairobi kuna sii jeeday magaalada Mandheera ayaa waxaa dhexda u gashay dableey ka tirsan Al-shabaab,kuwaasoo isku dayay inay rakaabka ku kala soocaan Diimahooda,taasoo ay ku gacan sayreen dadka Islaamka ahaa ee la socday gaariga.

Bishii November 2014-kii ayay ahayd markii ay sidanoo kale dhabbaha u galeen rag hubaysan Bas isaga gooshayay Mandheera iyo Nairobi,iyagoo halkaasi ku laayay 28 qof oo aan Muslimiin ahayn,kuwaa u badnaa macallimiin.

Raggan ay magacyadooda iyo Sawirradooda baahiyeen Booliska Kenya ayaa lagu kala magacaabaa Mohammed Osman Aliow, Abdullahi Dimbil Ahmed, Mohammed Ahmed Farah and Abukar iyo Mohammed Yunis,waxanay laamaha ammaanka ka codsadeen dad weyaha inay la soo xirii karaan hadba saldhiiga u dhow una gudbiyaan wixii war-bixin ah ee ay ka hayaan xubnahan sida weyn loo raadinayo.