Dowladda Soomaaliya oo dhaliishay hawlaha ay dalka ka waddo hay’adda WFP

Shixnado raashin ah oo Hay'adda Cuntada adduunka u raran — Isha Sawirka: WFP
Shixnado raashin ah oo Hay’adda Cuntada adduunka u raran — Isha Sawirka: WFP

Muqdisho (Puntland Post) — Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay hay’adda cunnada Adduunka WFP, in raashinka gargaarka ah ee keento dalka Soomaaliya ku soo beegto xilliada beeralayda Soomaaliyeed ay u soo go’ayaan dalagyadii ay dhigteen.

Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha dowladda Soomaaliya Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa sheegay in wasaaradda beeraha ay qorsheynayso in la horumariyo beeralayda dalka, lana dhiirri geliyo shirkadaha caalamka inay maal-gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa ku tilmaamnay qorshaha hay’adda WFP ay gargaarka ku siiso shacabka Soomaaliyeed inuu yahay mid qaldan,isagoo aad u dhaliilaya sida ay u wajahdo hawlaha loo igmaday, wuxuna ugu baaqay inay arrintan ka waantowdo.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in uu shir looga hadlayo wax soo saarka dunida inuu ka furmo dalka Jarmalka,kaasoo ay qayb ka tahay Soomaaliya.